Dawlada Federaalka oo Eedeyn Kull U Jeedisay Dawlada Jabuuti

Wasiirka  Wasaarada Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Jabuuti ay la safatay Kenya ayna Dowlada Soomaaliya raaligelin ka rabto Dowladda Jabuuti.

Wuxuu ku eedeeyay Guddiaga IGAD ee Jabuuti hoggaaminaysay in aysan dhexdhedaad ka noqon arrimaha labada dal iyo in ay qaateeen warbixin hal dhinac ah.

Wasiir Dubbe wuxuu sheegay in Soomaaliya leedahay cadow faro badan oo doonaya in uu dumiyo rajada iyo dawladnimada hadda u soo bidhaantay.

Dhawaan ayay ahayd Markii Gudi Xaqiiqo raadin oo ka so socda Urur Goboleedka IGAD ay kormeer ku tageen Xadka Mandheera iyo Balad Xaawo si ay u ogaadaan waxa uu salka ku haayo  khilaafka diblumasiyadeed ee u dhexeya dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Kenya

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com