Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka hadlay Arimo Xasaasi ah.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka Tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Waraysi uu bixiyey wuxuu kaga hadlay arimo kala duwan ee quseeya xaalada Soomaaliya iyo Arimaha doorashooyinka dalka .

Ugu horreyn waxaa wax laga waydiiyey Shirkii Dhuusamareeb ee Puntland iyo Jubbaland ay ka maqnaayeen, Sidoo kalana ay diideen go’aanadii kasoo baxay Shirkaasi.

Waxa uu yiri “ shirkii Dhuusamareeb 3 Aayad Qurr’aan ah  maaha, in laga tago ama in lagu shaqeeyo waa dhici kartaa”. Ayuu yirii Xildhibaan Cabdirashiid Xidig.

Xidig ayaa sheegay in Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu Xanuunsaday,   Wuxuuna xusay in Madaxwayne Deni uu Go’aansaday inuu sugo   Axmed Madoobe, Waxaana la waydiiyey   Xidig Miyaa la waayey Qof ka socda Jubbaland oo meteli kara Booska Axmed Madoobe.

Dhinaca kale  Waxaa Cabdirashiid Xidig laga Waraystay Shirka ka furmaya  magaalada Muqdisho iyo Shuruudaha uu Axmed Madoobe uu ku xiray  gaar ahaan Arinta gobolka Gedo iyo Ciidamada halkaasi ay gaysay DawladaFederaalka  Soomaaliya.

“Ciidamada cid ma diidana,  laakiin  waxyaabaha dhacay  in la xaliyo ayaa loo baahan yahay,  Jubbaland waxay leedahay ciidamo kala duwan”. Ayuu yidhi Xidig oo ka hadlaya ciidamada uu Axmed Madoobe Codsaday in laga soo qaado gobolka Gedo.

Waxaa sidoo kaleWax laga waydiiyey  Dhibaatada Ciidamada Kenya ay dadka deegaanku ka tirsanayaan,  Muhiimada ay leedahay in ciidamada halkaasi loo daayo, Wuxuuna sidoo kale sheegay in dawladdu xaq u leedahay inay Xuduudaha ilaaliso,  Balse loo baahan yahay in la isla fahmo ayuu sidoo kale yiri.

Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ka mid ah wafdiga uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Jubland Axmed Madoobe ee ku sugan magaalada Muqdisho horayna u sheegtay Madaxweynaha Jubland ka dibna ka laabtay markii uu heshiis la galay madaxweynaha Jubland Axmed maxamed Islaam Axmed Madoobe

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com