Madaxweynaha Puntland oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

 

Xildhibaannada uu la kulmay Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Cabadirashid Maxamed Xiidg oo ka tirasn Xildhibaannada Golaha Shacabka, iyaga oo ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisalwasaare ku-xigeenkii hore xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Xuseen, Wasiiru dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta Xildhibaan Cabdullaahi Bile Nuur iyo marti sharaf kale.. Dhamaan Madaxda uu la kulmay Madaxweynaha Puntland ayaa kulamdooda waxaa ay ahaayeen is xog-wareysi xaalada dalka iyo Ariimaha la xiriira doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tan iyo markii uu imid Muqdisho Talaadadii todobaadkii hore waxaa uu waday kulamo kala duwan, isaga oo la kulmay Madax farabadan oo kamid ah saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Xafiiska Wararka jowhar.

Info@aragticusub.com