Ciidamo ka Tirsan Amisom oo Qarax lagula eegtay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Xaafada Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan ayaa sheegay Qarax miino dhulka la geliyay uu ka dhacay agagaarka Masjidka Turkiga Qaraxaas oo lala eegtay Ciidamo ka Tirsan Amisom Islamarkaana Marayay meel u dhow Masjidka Turkiga
Dadkii ka Agdhawaa goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa Warbaahinta U sheegay in Ciidamada AMISOM & kuwo dowladda Federaalka ka Tirsan ay dhaawaceen 4 ruux oo Rayid ah kuwaas oo ka koobnaa Aabe, Xaaskiisa , Gabaryar oo uu dhalay iyo Wiil farmashiye ku leh halka uu qaraxa ka dhacay.
Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kaddib muddo saacado ah oo wadada u xirneyd ka dibna ay iska sii wateen socdaalkooda, waxaana weli la xaqiijin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray qaraxa.
Ciidamada Amisom gaar’ahaan kuwa Baruundi ayaa Maalmihii la soo dhaafay Isticmaalayay Wadada Xiriirisa Masjidka Turkiga iyo Isgoyska Fagax balse maanta halkaasi kala kulmay Qarax iyo Weerar Toos ah oo lagu qaaday Ciidankaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com