Faah Faahino ka soo baxaya Dil ka dhacay Magaalada Laas Caanood

Ciidamada ammaanka Degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa Hawlgal waxa ay ku qabteen shaqsiyaad ay ku tuhmayaan in ay ka dambeeyeen dil xalay fiidkii loo geystay sarkaal katirsan maxkamadda degmada Laascaanod .
Hay’adaha ammaanka ayaa baaraya shaqsiyaadka ay usoo qabteen dilka loo geystay garsooraha maxkamadeed ee ka shaqeynayay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool .
Garsooraha la dilay waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Salaad (Wadaad yare), waxaana la dilay xili uu kusii socday hoygiisa sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa iyo mas’uuliyiinta ammaanka Degmada oo war hordhac ah ka soosaaray.
Magaalada Laascaanood waxaa ku kordhay beegsiga xubnaah garsoorka, 2-dii Maarso 2020 waxaa qarax loo adeegsaday miinada nuuca dhajiska ah lagu dilay guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool Xasan
Ciidamada ammaanka ayaa inta badan howlgalo sameeya marka dilalka iyo qaraxyada ay dhacaan, waxa ay xiraan shaqsiyaad ay ku tuhmayaan, inkasta oo aysan soo bandhigin natiijada kasoo baxda baaristooda.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com