Ciidanka Haramcad oo hawlgal ka wada Xabsiga Dhexe ee Xamar

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa gudaha u galay Xabsiga Dhexe ee Xamar, oo gelinkii dambe ee maanta uu ka qarxay iska horimaad u dhaxeeyay Ciidanka Asluubta iyo maxaabiis la sheegay inay la wareegtay bakhaar hubka dhigtaan ciidankaasi, oo xabsiga ku dhex yaala.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidanka Haramcad ay hawlgal ka wadaan gudaha xabsiga, iminkana aysan jirin wax rasaas ah oo halkaasi laga maqlayo.

Ismaaciil Mukhtaar Cumar, Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya ayaa Laanta afka Somaliga ee BBC u sheegay in baaritaan uu iminka socdo.

Warar kale ayaa sheegaya in Ciidanka Haramcad ay u muuqdaan kuwo soo geba-gabeeyay hawlgalka, intii uu socdayna ay ku dileen afar ka mida maxaabiistii dagaalameysay.

Wadooyinka soo gala xabsigan oo ku yaala Degmada Xamar Jajab ayaa waxaa lagu arkayaa ciidan fara-badan, kuwaa oo wadooyinka ku jaray gaadiidka dagaalka.

Sarkaal ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir ayaa Aragticusub.com u sheegay in ciidan fara-badan ay isu gadaameen gidaarka xabsiga ugu weyn Caasimadda Muqdisho, si looga hortaggo suurtagalnimada in maxaabiista qaarkood xabsiga ka baxsato.

Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa sheegaya in maxaabiistii xabsiga ka dhex dagaalameysay, ay yihiin Shabaabkii ku xirnaa.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay maxaabiista dishay askarigii hayay furaha bakhaarta, sidaasina ay ugu suurtagashay inay gacanta ugu dhigaan hubkaasi.

Xabsiga Dhexe ee Xamar waxaa ku xiran maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaa oo ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida horey ugu xukuntay xukuno isugu jira dil, xabsi daa’in iyo sanadooyin kale oo xabsi ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com