Amniga Magaalada Jowhar oo si weyn loo adkeeyay

Amaanku Caasimada Dowlad Gobolkeedka Hir-shabeelle ee Jowhar ayaa Siweyn loo Adkeeyay Xili Maalinta beri ah kuraastii ugu horeeysay Golaha Shacabku ee Hir-shabeelle Lagu qabanayo halkaas,

Ciidamada Amaanka ayaa Adkeeyay baraha kontarool ee Laga Soo Galo Magaalada Sidu Afhayeenka Booliska Hir-shabeelle u sheegay Warbaahinta G/ Axmed Diini.

Sido kale Afhayeenka ayaa ugu baaqay bulshada inay La shaqeyaa Laamaha Amaanku inta Lagu Guda jiro Doorshooyinka Magaalada Caasimada,

Beri oo isniin ah ayey Guddiga Doorshooyinka shaaciyeen inay dhaceyso Doorshada kuraastii ugu horeeysay Golaha Shacabku ee Hir-shabeelle Laga Soo doorto,

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Lagu boogaadiyay horay Doorshada aqalka Sare Dalka oo dhan ka noqday hogaamiyaha ugu fiican ee u Cadaalad falay tartamyaasha,

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com