Nin TAXI-le ahaa oo gaarigiisa la dhacay.

Oslo:-Nin TAXI-leh ka ahaa Magaalada Oslo ayay saaka warbaahinta hadal hayaan in gaariga xoog uga qaateen kooxo hubeysan.

Ninkaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kooxo ku hubeysan Mindiyo ka dhaceen gaariga isla markaana jir dil xoogan u geysteen.

Booliska oo dhacdadaan baaritaan ku sameeyay ayaa ku guuleystay in gaarigi dib u soo celiyaan.

Waxaa ay boolisku shaaciyeen in wali baadi goob ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen kooxihii falkaas ka dambeyay.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com