Jubland oo Ciidamo Gurmad ah u dirtay Gobalka Gedo

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa Ciidamo dheeraad ah u dirtay Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland.

Cutubyo ka mid ah Ciidanka Jubaland ayaa lagu wadaa in ay ku biiraan kuwa uu wato C/Rashiid Janan ee ku sugan Sohdinta Baladxaawo iyo Mandheera.

Ciidanka oo ka baxay magaalada Dhoobley ayaa sii maray deegaannada Diif, Gariiley, Ceel-Waaq kadibna waxay si nabad ah ku gaareen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo si ay ugu biiraan ciidanka daraawiishta Jubbaland ee ku sugan gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka ah ayaa dhawaan Ciidamo geysay Magaalada Baladxaawo iyo Magaalooyin kale oo ka tirsan Gobolka Gedo taas oo sababtay in ay ka baxaan Ciidanka Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa dhawaan Ciidamadaas kula dardaarmay in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab hayeeshee waxaa ay u muuqataa in Ciidanka Dowladda iyo kuwa Jubaland isu biro tumanayaan.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com