shabaab oo Fariin u dirtay Dadka ku nool Waqooyi Bari Dalka Kenya

Af-hayeenka  Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku sugantahay xaalad Rafasho ah kadib weeraro qorshaysan oo Al-shabaab ka gaysteen gudaha dalkaasi Kenya.

Cali Dheer ayaa ka hadlay  weerarro waaweyn oo Al-shabaab sannadihii la soo dhaafay ka fulisay gudaha dalka Kenay kuwaas oo uu sheegay in ay filan-waa ku noqdeen dowladda Kenya islamarkaana cabsi iyo walaac baahsan ku abuureen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Al-shabaab sii wadayso weerarada ay ka gaystaan gudaha waddanka Kenya waxaana uu tilmaamay in loo aar-gudayo dhibaatooyin ay Kenya gaarsiisay shacabka NFD iyo kuwa kale oo ay ka gaysatay gudaha Soomaaliya.

Af-hayeenka Al-shabaab ayaa sidoo kale shacabka NFD ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan lana shaqeeyaan malayshiyaadka Al-shabaab ee ka hawlgala Waqooyi Bari Kenya.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com