Kenya oo Muddo 14 Maalmood u qabatay Hogaamiyaasha Soomalida

Nairobi,Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa muddo 14 maalmood ah u qabtay Hoggaamiyayasha Soomaalida Kenya si ay u soo gaba gabeeyaan AL-shabaabka ka dagaallama Gobolka Soomaalida.

Kulan dhexmaray Hoggaamiyayaasha Soomaalida iyo Madaxweynaha Kenya ayaa waxaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa Al-shabaab.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Al-shabaabka ka dagaallama gudaha Kenya aysan ahayn kuwa ka soo gudba sohdinta Soomaaliya hayeeshee ay yihiin Dhallinyaro Kenyaan ah oo gudaha Kenya lagu qaadsiiyay fikirka Al-shabaab.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Kenya waxaa hoggaamiyayaasha Soomaalida ee ka qeybgalay ka mid ahaa Guddoomiyaha Gaarisa Cali Bunow Qorane, Guddoomiyaha Mandheera Cali Roobow, Guddoomiyaha Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud, Aadan Barre Ducaale hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aadan Kenyaan iyo Xildhibaananda kale ee Soomaalida ah kuna jira Al-shabaab.

Madaxweyne Kenyatta ayaa kulanka ka sheegay in Hay’adaha Sirdoonka ay la wadaageen in Ragga ka tirsan Al-shabaab ee weerarrada ka geysta Gobolka Soomaalida ay yihiin dhallinyarada degaanka oo qaatay fikirka AL-shabaab ee aysan jirin Al-shabaab ka soo gudba sohdinta,waxaana uu u sheegay in ay muddo 14 beri ah xal uga keenaan Dhallinyaradaas.

Arrintan ayaa ku soo aadday iyada oo uu buuq ka taaganyahay Macalimiinta Kenyaanka ah ee laga saaray Gobolka Soomaalida kaddib  markii ay sare u kaceen Weerarrada Al-shabaab ku beegsadaan dadka aan u dhalan Gobolka SOomaalida ee ay ugu horreeyaan Macalimiinta.

Guddiga Maamula Macalimiinta Kenya ee TSC ayaa sheegay in tan iyo 2014kii Gobolka lagu dilay 42 Macalin taasina aysan ahayn wax la qaadan karo.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com