in ka badan 100 Dal oo balan qaaday in ay bixinayaan lacagaha Deymaha ah ee lagu leeyahay Soomaaliya

Muqdisho,Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr .Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qoraal uu bartiisa face buuga soo dhigay waxa uu ku soo dhaweeyay go’aanada ka soo baxay hay’adda lacagta adduunka IMF iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo go’aamiyay habkii ay ku cafin lahaayeen deynta Soomaaliya

Hadaan nahay Soomaaliya Dadaalkeenii wuu muuqdaa, waana ku farxi karnaa. Dadaalkani waa taariikhi, laakin intaan ka badan oo horumar ah ayaa inoo haray, kamana caajisidoono inaan ka miro dhalino hadafkeena ah guusha Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Hadalkaas wasiirka, ayaa ku soo beegmay xilli Shalay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF  ay shaacisay in 100 dal oo xubno ka ah IMF, ay ballan qaadeen in ay bixinayaan $334 milyan oo qeyb ka ah deynta laga qafiinayo Soomaaliya

Soomaaliya oo lagu leeyahay deyn gaareysa $5.3 bilyan, ayaa waxaa deynta looga qafiifinayaa barnaamij gaar ah oo lagu kaalmeeyo dalalka ugu saboolsan dunida.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com