Sheekh Shariif oo soo dhoweeyay talaabo u qaaday G/ Cabdi Xaashi

 

 

 

 

 

Madaxweynahii Hore Dowladda KMG Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu bartiisa soo dhigay ku soo dhoweeyay guddiga uu magacaabay Gudoomiyaha  Aqalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi. 

Qoraalka Madaxweynaha soo dhigay bartiisa ayaa u qornaa sidaan.

Waxaan soo dhaweynayaa guddiga uu magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ee ka howlgali doona isku-keenista madaxda labada heer Dowladeed iyo qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hannaan raali ay isaga yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka.

Waa tallaabo mudan dhiiragalin iyo garab istaag, maadaama guddoonka Aqalka Sare ay muujiyeen biseyl iyo inay ka go’antahay xal ka gaarista mashaakilka muddada dheer u dhaxeeyey Madaxda labada heer ee dalka oo kala ah Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Waxaan ka rajeyneynaa in labada dhinac ay muujiyaan tanaasul iyo in laga fikiro mustaqbalka Soomaaliya oo wadahadal iyo isqancin oo kaliya guul lagu gaari karo.