Maamulka Hir-Shabeelle oo ku dhawaaqay in aysan qeyb ka aheyn Shirka Maanta furmaya

Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegay inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya Magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in sababta aysan qeyb uga aheyn shirka ay tahay in aysan wax talo ah ku laheyn, isla markaana aqbaleyn wixii kasoo baxa.

“Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya Magaalada Muqdisho, Hirshabeelle maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doonaan wax quseeya Maamulka Hirshabeelle.
Ugu dambeyn Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in ay dhowri doonaan fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho.
Xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda kale ee dowlad Goboleedyada ayaan weli ka hadlin diidmada shirka Maanta ka furmaya magaalada Muqdisho dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com