Dagaal ka socda degaan ka tirsan Gobolka Mudug

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Galmudug oo kaashanaya kuwa xoogga dalka iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa degaanka Wisil o ka tirsan Gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab weerar qarax ku bilaawday ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Galmudug ku leeyihiin degaanka Wisil oo ku yaal inta u dhaxeeysa Magaalooyinka Hobyo & Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay ku warramayaan in uu weli degaanka ka socdo dagaalka u dhaxeeyay Ciidamada Galmudug & Al-Shabaab, isla markaana hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo.
Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka ayaan weli la ogeyn maadaama uu weli socdo, waxaana la sheegay in rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayaan ay ku dhaceen Xaafado ka tirsan degaanka Wisil ee Gobolka Mudug.
Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegteen inay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Wisil ee Gobolka Mudug, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com