Puntland oo saaka dil toogasho ku fulisay 21 Rag ah

Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa Maanta waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku toogatay 18 qof oo dhawaan lagu xukumay dil, kaddib markii lagu helay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana ay dilal ka geysteen Magaalada Gaalkacyo.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in tirada markii hore dilka lagu xukumay ay ahaayeen 17 eedeysane, hase yeeshee ay maxkamaddu dib ugu laabtay kiiska eedeysanaha kale, taas oo tirada guud dilkii saaka ka dhigeysa 18.

Labad todobaad kahor ayay aheyd markii maxkamaddu ay raggan ku xukuntay dilka, waxaana Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Puntland Jeneraal Maxamuud Cabdi Maxamed uu sheegay markii ay go’aankan maxkamaddu ridday inuu ahaa mid caddaalad ah.
Sidoo kale waxaa Magaalada Garoowe Maanta lagu toogtay laba rag ah halka hal Ruux oo kale lagu toogtay Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Ragga Maanta dilka toogashada ah lagu fuliyay ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kijira rag saraakiil ah, kuwaas oo dhowr jeer wareysiyo laga qaaday ku sheegay inay Al-Shabaab ka tirsanaayeen muddo badana la Shaqeeynayeen, waxaana saraakiishaas kamid ah Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (jeeri).
Puntland ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay rag lagu helay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab & Daacish, waxaana kuwa Maanta ay noqonayaan tiradii ugu badneyd oo ay Puntland toogato.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com