Galmudug oo ka hadashay weerarka lagu qaaday degaanka Wisil

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska gobolka Mudug ee Galmudug Gaashaanle Maxamed Mire Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in qasaare xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab weerarkii gaadmada ahaa ay ku soo qaadeen deegaanka Wisil aroornimadii hore ee saakay.

Taliyaha ayaa sheegay in abaaro 4:30 habeenimo xilliga la isku diyaarinayay salaad subax ay soo weerareen deegaanka hase ahaate ciidamada xoogga dalka ,kuwa daraawiishta Galmudug iyo bulshada deegaanka ay iska caabiyeen isla markaana ay ka dileen Xubno farabadan lagana furtay hub.

“Abaaro 4:30 habeenimo xilliga oo la isku diyaarinayay salaad subax ayay weerar gaadmo nagu soo qaadeen kaasi oo ay ku bilaabeen qarax balse qasaaraha iyagu uu soo gaaray.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska gobolka Mudug ee Galmudug Gashaanle Maxamed Mire Maxamuud sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka uu wali socdo isla markaana la jibiyay hadane lagu raad joogo.

“Waan sii wadeynaa inta aan ka xoreyneyno dhamaan deegaannada ay sida dhuumaaleysiga ah uga joogaan gobolka Mudug maxaa yeelay awood malahan oo ay si toos ah noogu wajahaan kali hada awoodoodu waxa ay kusoo aruurtay weerarada gaadmada ah ayuu yiri taliye Maxamed Mire.

Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay inay weerarkaas ku dileen 34 kamid ah askartii ay weerareen lana wareegeen degaanka Wisil. Wallow aysan jirin dad madax banana oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com