Ururka Taalibaan oo la wareegay Magaalada Kabul.

Kabul, Ururka mintidiinta ah ee Talibaan ayaa la xaqiijiyay in ay ku sii siqayaan Caasimadda Kabul ee dalka Afganistan.

Warbaahibta ayaa ku waramaya in xoogaga Taliban ku sugan yihiin qeybo badan oo ka mid ah Caasimadda.

Sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha ee Afghanistan ayaa ka soo muuqday muuqaal, laga sii daayay TV -ga maxalliga ah ee Tolo, isaga oo sheegay in si nabad ah xukunka loogu wareejin doono dowlad ku meel gaar ah. Wuxuu sheegay in Kabul aan la weerari doonin.

Wakaaladda wararka ee Associated Press, oo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan dowladda Afgaanistaan ayaa sheegtay in ergada Talibaan u qaabilsan wada -xaajoodyada ay ku sii jeedaan madaxtooyada si ay isugu diyaariyaan ku “wareejinta” awoodda.

Shacab fara badan ayay warbaahinnadu soo bandhigayaan iyaga oo ka qaxaya Magaalada Kabul.

Wixii Warar ah kala soco www.aragticusub.com

Xafiiska Wararka, Muqdisho.

Info@aragticusub.com