Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Magaalada Garoowe kula kulmay Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Puntland

Ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaasi Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Madaxtooyada Graoowe ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wefdi uu hoggaaminayo.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa lagu sheegay in Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya uu Madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siiyey kormeer ay ku sameeyeen xarumaha Booliska Puntland iyo goobaha loo diyaariyay doorashada Soomaaliya.
“Taliyaha Ciidamada Booliska DFS ayaa Madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siiyey kormeer ay ku sameeyeen xarumaha Booliska Puntland iyo goobaha loo diyaariyay doorashada Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya Gen Xijaar oo haatan ku sugan Garoowe ayaa saacadihii la soo dhaafay booqday xarumaha kala duwan ee Booliiska Garoowe iyo Goobaha loo diyaariyay Doorashada Xildhibaannada Baarlamanka heer Federaal halkaas oo uu kormeer ku sameeyay.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com