Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo dhagax dhigay Dhismaha Cusub ee Wasaarada Cadaaladda iyo Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhagax dhigey dib-u-dhiska iyo dayactirka dhismaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa tilmaamay in ay go’an tahay xukuumadda dhismaha xarumihii hay’adaha dowladda ee ku burburay dagaallada.
Mahdi Maxamede Guuleed ayaa sheegay in labada wasaaradood ay muhiimad weyn u leeyihiin dalka, una mahad celiyey cid walba oo gacan ka geysanaysa dib-u-dhiskooda.
“Dib-u-dhiska dhiska xarunta Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta, Awqaafta waxay ka tarjumaysaa muhiimadda ay u leeyihiin dalkaan, gaar ahaan arrimaha caddaaladda iyo Diinta oo Xukuumaddu ay ahmiyad gaar ah siineyso”.

Dhismaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta oo ku burburay dagaalladii dalka soo maray ayaa lagu dhisayaa barmaanijka Isxilqaan ee ay hormuudka u yihiin Shaqaalaha dowladda.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com