Roobab Saameeyay Dadka iyo Gaadiid oo ka da,ay Magaalada Muqdisho

Roob Xooggan habeennidii xalay ilaa maanta ka da’ay magaalada Muqdisho Waxaana uu sababay barakaca dad dan’yar oo qaarkood uu burburiyay roobka guryihii ay ku deganaayeen
Saakay ayaa qaar ka mid ah Wadooyinka magaalada Muqdisho lagu arkayay qoysas u badan haween iyo carruur uu hoy la’aan dhiggay Roobka.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay jiraan guryo badan oo Roobka ku dumay, Ha Yeshee ‘ ilaa iyo hadda lama sheegin wax-yeelo nafeed uu geystay Roobka , waxaana soconaya gurmad loo fidinayo Dadka qaar dibadjooga ka ah guryihiin ay ku noolaayeen.
Madaxda Maamulka Gobolka Banaadirayaa intaa ku darray in jidadka ay biyaha gooyeen Booyado ka saara biyaha ku soo rogmaday si dhaqdhaqaaqii dadka dib loogu soo celiyo.

Degaano ka Tirsan gobolada dalka Soomaaliya waxaa ka curtay Roobkii xiligga Gu’ga oo marka laga soo taggo khasaaraha ka dhashya dhinaca kale ay ku xisaabtamaan dadka beerleyda iyo xoola dhaqatada ah ee Soomaaliyeed oo xiliyadan oo kale ka faa’ideysta.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com