Aabe  u dhashay dalka Filibiin oo taa-tika cusub  wilkiisa u adeegsaday  kadib madax adeeg oo uga maara waayay

 

Aabe  u dhashay dalka Filibiin  oo u caalwaayay inuu wiilkiisa guriga ku ilaaliyo inta lagu jiro bandowga looga hortagayo faafista cudurka Corona ayaa la yimid tallaab cajiib leh.

Abahaani ayaa sida qof bidaar leh – ka xiiray qeybta sare ee timaha madaxa. Isaga oo labada dhinac ee madaxana timahooda u dhaafay , waxaana wiilku u ekaaday qof bidaar leh.

Toddobaadkii hore, sawiro laga soo qaaday wiilka oo ooyaya iyo aabaha oo si kalsooni leh u dhoolla-caddeynaya ayaa ku baahay baraha bulshada halkaas oo in ka badan 60,000 oo jeer la wadaagay, waxaana laga bixiyay kumaankun faallooyin ah.

Maadaama wiilku diiday inuu guriga ku negaado, aabaha ayaa la yimid tallaab ciqaab ahaan oo loogu qasbay wiilku inuusan gurigaba ka bixin – ceebta loo yeelay awgeed.

Sawirada ayaa muujinaya wiilka oo aan ku faraxsaneyn qaabka timaha looga xiiray, hayeshee dadkii kala duwanaa ee aragtida ka dhiibtay muuqaalka sawiradiisa ay ka bixinayeen faallooyin qosol iyo maad isugu jira.