Baarlamaanka Somaliya oo ku shiri doono Internet-ka

Kadib markii dalka dib ay ugu soo laabteen Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya oo muddooyinkii dambe ku xanibnaa dalka Turkiga ayaa sida qorshaha uu yahay kulamada Baarlamaanka waxaa la filayaa in dib loo bilaabo.

Xildhibaan Maxamed Xasan Nuux oo ah Habdhowraha Baarlamaanka Federalka Somaliya oo la hadlay Idaacada BBC, ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshe dhanka Internet-ka oo kulamada Baarlamaanka ay ku dhici doonaan hadda kadib.

Wuxuu sheegay in la diyaariyay nidaamka Zoom meeting oo ah hab waayahan dambe shirarka adduunka ay ku dhacaan.

Xildhibaan Nuux, waxa uu cadeeyay nidaamkaan inay ku shiri karaan, illaa 500 ruux, waxaana uu sheegay in ahmiyada koowaad la siinaayo sharciyada muhiimka ah ee Baarlamaanka horyaalo sida Sharciga doorashooyinka & kan axsaabta.

Illaa hadda waxa aanan cadeyn nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso sanadka 2021, iyadoo mudada xil haynta dowladda hadda joogta ay ka harsan tahay kaliya sideed bilood.

Saameynta Covid-19 oo dunida dhan uu saameeyay, ayaa laga yaabaa in doorashada Somaliya dib u dhac ku keento, balse waxaa jirta in mucaaradka ay si adag uga soo horjeedaan dib u dhac ku yimaado doorashadaasi.