Dowladda Somaliya oo ka soo horjeesatay in dib loo dhigo dacwadda Badda

Iyadoo Bisha June ee fooda nagu soo hayso loo madalsan yahay in dib loo bilaabo dhageysiga Kiiska dacwadda ee Somaliya & Kenya ee yaalla maxkamadda Caalamig ee Hague, ayaa dowladda Somaliya waxa ay ka soo horjeesatay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadaasi.

Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay doonayso dib u dhigista kiiska dacwada, waxaana ay ku sababeynayaa Coronavirus & in Abukaatayaashii Kenya dacwadda uga qayb gali lahaa aysan suuragala aheyn inay dacwadaasi ka qayb galaan xilligaan.

Ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo BBC-du weydiisay in arintaasi tahay mid laga garaabi karo ayaa ku jawaabay.

“Waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xidhanyihiin.

Maxkamaddu waxay soo saartay in shaqadeedii ay wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka ahna ay dacwadaha ku dhegaysan doonto.

Bishan Juun dalal dhawr ah ayaa dacwadahooda lagu dhegaysanayaa maqal iyo muuqaal, ilaa hada hal kiis ayay ku dhegaysatay, markhaatiyona way ku dhegaysatay maxkamadu maqal iyo muuqaal, markaa anaga waan ka hor nimi waan diidnay mawqifka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa weeye in aan dacwadaas maalin dib loo dhigin ayuu yiri Mahdi.

Ra’isal wasaare ku xigeenka oo ay BBC-du weydiisay in uu faah faahiyo cadaadiska dawladiisu sheegtay in ay Kenya saarayso ayaa ka gaabsaday in wuu wax cad farta ku fiiqo hase yeeshe ku gaabsadya jawaabtan oo uu yidhi.

“Horta mar walba waa jirtay in meel ka baxsan maxkamada ama ha noqoto African Union ama IGAD ha noqoto in rabitaanka Kenya uu ahaa in meel ka baxsan lagu qaado ama lagu dhegaysto sifo diblomaasiya, anagu se waxaanu aaminsanahay in ay tahay arintaas in la soo af-jaro maxkamadda gacanta ku haysaana ay ka garnaqo”,