Madaxweyne Waare oo sharraxaad ka bixiyay Sababta uu isku casilay

Madaxweynihii Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uu xilka iska casilay sida ku cad warqad ka soo baxday Xafiiskiisa.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo warqadda Iscasilaaddiisa kaga sheekeeyay Taariikhda laga soo maray dhismaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in hannaakii markii hore lagu dhisay Hirshabeelle uu ahaa mid qaldan taas oo is daba-marin badani ku jirtay.
Madaxweyne Waare wuxu sidoo kale soo jeediyay in doorashada Hirshabeelle Hadda dib loo dhigo inta ay ka dhammaanayso doorashada heer Federaal si ay u noqoto mid xasiloon oo hannaan wanaagsan ku dhacda.

Sidoo kale wuxu nasiib darro ku tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo duubabka dhaqanka Hirshabelle ay qayb ka yihiin dhibaatada ka taagan dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com