Xildhibaanada Barlamaanka Hirshabeele oo Maanta dhageysanaya Khudbadaha Musharixiinta u Tartameyso Gudoonka Baarlamaanka Hirshabeele iyo ku xigeenadiisa

Xildhibaanada Baarlmaanka 2aad ee Hirshabeelle, ayaa Maanta kulankii labaad ku yeelanaya Magaalada Jowhar.
Kulankaas ayaa waxaa khudbado ka jeedin doona Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, kuwaas oo shalay is diiwaan-geliyay

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, ayaa waxaa u tartamaya laba Musharax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir, halka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad u taagan yihiin laba Musharax oo kala ah Siraaji Sheikh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame.

Sidoo kale, xilka Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Hirshabeelle, ayaa waxaa ku tartamaya Musharixiinta kala ah Mahad Hassan Osman iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulkaas.

Doorashada Guddoomiyaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, ayaa sida qorshaysan maalinta berri ka dhacici doona Magaalada Jowhar, waxaana socda ololihii ugu dambeeyay ee Doorashada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com