Sucuudiga oo soo Jeediyey In Salaadda Taraawiixda Lagu Tukado Guryaha

Muftiga guud ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa soo jeediyey in Salaadda taraawiixda iyo salaadda Ciidda lagu tukado guryaha, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Saudi ee SPA.

Ku dhawaaqiddan ayaa ku soo beegmeysaa iyadoo muddo toddobaad ah ay naga xigto bisha barakaysan ee Ramadaan.

Muftiga Boqortooyada Sacuudiga Sheikh Abdulaziz al-Sheikh ayaa sheegay in Jameecada salaadda taraawiixda aanan misaajiddada lagu tukan doonin sannadkan, sababo la xidhiidha tallaabooyinka ka hortagga faafidda Coronovurus.

Muftiga waxa uu sidoo kale sheegay in haddii uu xanuunka sii socdo bisha barakeysan salaadda Ciidul-fitriga la tukan doonin.

Sacuudi Carabiya ayaa hore u joojisay in gebi ahaanba salaaddaha jamaacada lagu tukado gudaha iyo bannaanka labada masjid ee barakaysan ee ku kala yaalla Makka iyo Madiina si loo yareeyo faafitaanka coronavirus.

Waxaana ka sii horreey amar ahaa inaan salaadda lagu tukanin dhammaan masaajidda kale ee dalkaasi Sacuudiga.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com