Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta kulan xasaasi ah ku yeelanaya Magaalada Muqdisho

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya   ayaa maanta la filayaa in ay kulan ku yeeshaan Xaruunta Villa hargeysa ee Magaalada Muqdisho

Gudoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada ku wargaliyay in ay soo xaadiraan kulanka oo diirada lagu saari doono Arrimaha doorashooyinka.

Xildhibaano ka Tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya labadii maalmood ee la soo dhaafayay kulamo kharsoodi ah ku yeelanayay Magaalada Muqdisho oo ay kaga hadlayeen Hanaanka doorasho ee Dalka iyo suurtal galnimada im Baarlamanka hadda jira waqti kororsi loogu sameeyn lahaa in kastoo xildhibaanada qaar arinkaasi ay beeniyeen

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com