Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay dhismaha wadooyinka Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo, ayaa dhagax dhigay wejiga labaad ee Mashruuca dhismaha waddooyinka Nabadda ee isku xira Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo.

Madaxweyne Deni, ayaa Amaanay sida Mas’uuliyiinta labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ay uga wada shaqeeyeen hirgelinta waddooyinkan laamiga ah ee isku xiraya labada dhinac ee magaalada.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu u mahadceliyay Hay’adda SSF (Somali Stability Fund) ee fadhigeedu yahay Puntland oo kala shaqeysay Mashruucan Dowladdaha Hoose ee labada dhinac Puntland iyo Galmudug.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com