Shirkii Beelaha Mudulood oo ka Furmay Muqdisho iyo Madaxweynayaal hore oo khudbad ka jeediyay+Sawiro

Madaxweynayaashii hore Soomaaliya ShariifSheekh Axmed  ‘ Xasan sheikh Maxamuud iyo Cali Mahdi Maxamed ayaa Khudbad ka jeediyey Shirka Beelaha  Mudulood maanta si Rasmi ah uga Furmay magaalada Muqdisho, Madaxweynihii hore Soomaaliya shariif sheikh Axmed ayaa ugu baaqay Beelaha  Mudullood inay ka garawsadaan  tabashooyinka beelaha kale ka qabaan oo ay la fariistaan, lagana bilaabo beelaha u arka in laga xoog iyo tiro badan yahay, isagoo soo dhoweeyay tallaabada Imaamka  ee uu ku soo jeediyay in lala fariisto beelaha banaadiriga oo wixii ay tabanayaan laga garaabo.

Sheikh Shariif wuxuu sidoo kale ka hadlay Xaalada Siyaasadeed ee dalka,   Siyaasadda madaxwayne Farmaajo iyo Arinta Doorashada.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday Doorka beesha Mudullood ay ku leedahay dawladda dhexe ee Soomaaliya  Mudullood xooggooda ugu badan waxay geliyeen dowladda dhexe, ciidamada ugu badan xoogga waa mudullood, ma ahan in lagu dhibaateeyo qabiilkood dartood ciidan ku soo shaqeeyay duruufo adag Ayuu yiri Sheikh Shariif.

Dhinaca kale Madaxweynahyaashii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed iyo Xasan sheikh Maxamuud ayaa Iyana halkaasi ka hadlay kuna baaqay in Dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho waqtigeedka ku qabsoonta lagana fogaado Muddo kororsi

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com