Maxaa ka soo baxay Kulankii Dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Saraakiil Sar Sare oo ka Socotay Dawlada Marayknaka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday dowladda Maraykanka oo saaka soo gaaray Muqdisho

Wafdiga oo ka koobnaa waaxda arrimaha dibadda, taliska AFRICOM iyo wasaaradda gaashaandhiga Maraykanka, ayaa ka soo kicitimay caasimadda Jabuuti oo fadhigoodu yahay.

Madaxweyne Farmaajo, waxaa kulanka ku weheliyay la-taliyaashiisa dhanka amniga iyo arrimaha doorashada, waxaana looga hadlay arrimaha ammaanka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaanna doorashada soo socota.

Socdaalka wefdiga, ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii dowladda Maraykanku walaac xooggan ka muujisay musuqmaasuq baahsan, oo sida ay sheegtay ka jira hanaanka dib u-habaynta ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay taageeraysay barnaamijka dib u-habaynta ciidamada milateriga Soomaaliya, gaar ahaanna kumaandooska DANAB.

Waxaase maalmahan soo baxayay warar sheegaya in musuqmaasuq ba’an lagu sameeyay hannaanka dib u-habaynta ciidamada dowladda federaalka, taasi oo halis gelin karta taageerada Maraykanku siiyo ciidamada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com