Raisul Wasaaraha dalka Faransiiska Emmanuel Macron oo gaaray Beiriut.

Raisul Wasaaraha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta gaaray magaalada Beyruut ee caasimada dalka Lubnaan, kadib qaraxii xooganaa ee ka dhacay dekadda magaaladaasi.

Macron ayaa sheegay in aan indhaha laga fiirsan karin musiibadii ka dhacday magaalada Beyruut, waxa uuna tilmaamay in caalamka jawaab deg deg ah ka bixiyaan xaalada cakiran ee dalka Lubnaam.

Raisul Wasaare Macron ayaa sheegay in dalka Lubnaan ay hareeyeen xaalad siyaasadeed, mid dhaqaale iyo dhibaatada ka dhalatay qaraxii xooganaa ee dhawaan caasimada ka dhacay.

Qaraxii xooganaa ee ka dhacay dekadda magaalada Beyruut ayaa sababay dhimashada dad gaaraya 137 qof iyo dhaawaca dad ku dhaw 5kun oo qof oo qaarkood dhaawacyadooda halis yihiin.

Hogaamiyaal kale oo caalamka ka socda ayaa la filayaa in ay gaaraan magaalada Beyruut ee caasimada dalka Lubnaan si ay taageero ugu muujiyaan dowlada iyo shacabka dalkaadi.

Ilaahada ma´eyaan gadrin Beirut madaxda wadabada Carabta oo intabadan lagu eedeeyo in ay mas´uul kayihiin bur-burka adama islaamka ee xiligaan dhibaatooyinka kusii badanayaan.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com