Maxay ka Wada Hadleen Sii haayaha Wasiirka Arimaha dibada ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ?

 Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda ee xukumadda federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Labada masuul ayaa kawada hadlay iskaashiga qaramada midoobay iyo Soomaaliya iyo sidoo kale arrimaha xaalada gobolka.

 

Danjire Axmed Ciise Cawad Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ayaa Uga waramay ergayga qaramada midoobay ee Soomaaliya, james swan hormarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimaha amaanka xiriirka caalamiga ah ee saaxibada caalamka ,dhaqaalaha iyo dib ukabashada dalka

 

“Ergayga qaramada midoobay ee soomaaliya, james swan, waxa sharaf u ahayd in uu maata la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka, Axmed Ciise Cawad, si ay u falanqeeyaan arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga qaramada midoobay, arrimaha qaranka mudnaanta u ah iyo xaaladaha gobolka ka jira.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com