Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday Qaar ka mid ah Isbitaalada ku yaala muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday qaar kamid ah Isbitaallada dowladda, si uu ugu kuurgalo adeegyada caafimaad ee ay u fidiyaan bulshada Soomaaliyeed, xukuumaddiisana  ay ahmiyad gaar ah u leedahay soo celinta adeegyadii caafimaadkaee sida bilaash ka ah Dadweynaha Soomaaliyeed ay ku heleen.

 

Maamulka Isbitaallada Martiini, Banaadir iyo Yardimeeli ayaa warbixin faah-faahsan ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha adeegyada caafimaad ee ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed iyo caqabadaha jira ee ay u baahan yihiin in dowladdu ay gacan ka siiso.

 

Isbitaallada Dowladda ee Martiini iyo Banaadir ayay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho iyo gobollada dalka waxa ay ka helaan adeegyo bilaash ah, wuxuna xusay Ra’iisul Wasaare Rooble in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso tayaynta adeegga caafimaad ee laga helo xarumahaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey maamulka iyo dhakhaatiirta shaqada wanaagsan ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna ku dhiirigeliyey in dadaalkooda ay sii xoojiyaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com