Sarkaal ka tirsan Ciidamada NISA oo lagu toogtay Muqdisho.

Taliye ku xigeenkii ciidamada NISA ee Gobolka shabeelaha Hose ayaa maanta lagu toogtay Muqdisho.

Taliye ku xigeenka oo lagu magacaabi jiray  Dhaayow Cusmaan Aadan ayaa la sheegay in kooxo hubeysan ku toogteen xaafada taleex ee degmada Hodon.

Wararka ayaa intaas ku daraya in sarkaalka ay toogteen kooxo bastoolado ku hubeysan isla markaana ay goobta isaga baxsadeen.

Dilka sarkaalkaan ayaa ka dhigan in xaalada amaan ee Caasimada noqaneyso mid faraha ka sii baxaysa kadib dhawaan ay ka dhaceen qaraxyo iyo dilal kala duwan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

info@aragticusub.com