Mustafae Cagjar oo marlabaad la doortay

Golaha Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa kallfadhigoodii lixaad ayaa ansixiyay in madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar uu noqdo shanta sano ee soo socota madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Dhanka kale golaha barlamaanka ayaa madaxweyne ayaa ansixiyay in madaxweyne ku xigeenka uu noqdo Ibrahim Cusmaan faarax, sida lagu shaaciyay Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Soomaalida.
Mustafa Cagjar ayaa sannidhii lasoo dhaafay sharci ahaan soo ahaa madaxweyne ku-xigeen. Hase yeeshee xisbiga uu ka tirsan yahay ee Barwaaqo ayaa ku guulaystay doorashadii bishii hore ka dhacday degaanka Soomaalida.
Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida ayaa sidoo kale maanta afhayeen u doortray Ayaan Cabdi oo noqonaysa gabadhii ugu horraysay ee hoggaamisa baarlamaanka maamulkaas.