Booliska Norwey oo ka hadlay muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada.

Moss:-Booliska Norway ayaa markii ugu horeysay ka hadlay muuqaal saacadihii ugu dambeeyay lagu faafiyay baraha bulshada.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay in ninka la sheegay in isaga oo qori wata galay masjid ku yaal Magaalada Moss aysan aheyn mid sax ah.

Waxaa ay tilmaameen in ninkaas uusan wadan wax hub ah isla markaana lagu aqoon waxyaabo la xiriira falal cunsurinimo.

Balse booliska waxaa uu sheegay in ay baari doonaan sababta uu halkaas u tagay.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa muuqaalkaan la isku dhaafsanayay baraha bulshada waxaana dadka qaar ciwaan uga dhigayeen in ninka hubeysan uu doonayay in uu weeraro dadka masjidka ku sugan.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com