Madaxweyne Deni oo dib ugu laabtay Magaalada garowe

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe.
Mr. Deni, waxa Garoonka Diyaaradaha Garoowe ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland , saraakiil iyo Xubno kale .
Madaxweyaha Puntland oo maalmihii la soo dhaafay ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa sida wararku sheegayaan halkaas u joogay arimo siyaasadeed, oo la xiriira Doorashooyinka Soomaaliya.