Faah Faahino ka soo baxaya Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Degmada Diinsoor eegobolka Baay

Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Maanta halkaas uu ka dhacay qarax xoogan oo geystay khasaaro.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay maqaaxi ah oo ku taalla meel aan ka  fogeyn Saldhiga Booliska degmada Diinsoor, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Inta la og yahay hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka saddex qof kale oo isugu jira dad shacab ah iyo Askar ka tirsan ciidanka dowladda ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi goobta u ku sugnaa xiligii uu qaraxu dhacaayay.

Ciidamada maamulka Koofur Galbeed ayaa Hawlgalo baaritaano ah ka sameeyay Halka qaraxa uu ka dhacay ee Degmada Diinsoor mana jirto cid loo soo q abtay

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com