Xaggee la geeyay Maxaabiista lagu qabtay Dagaalkii degmada Balad Xaawo ?

Wararka naga soo gaaraya gbolka Gedo ayaa sheegaya in la kala saray Maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii degmada Balad Xaawo

Warar ayaa sheegaya in qaarkood Meelo kale loo qaaday Halka kuwo kalenya la xareeyay

Maxaabiista ayaa lagu qaaday gaadiidka waaweyn ee kuwa  xamuulka ah waxaana lagu xareeyay xero ciidan oo ku taal deegaanka Buundo Garas ee Degmada Doolow.

Illaa hadda lama oga Sababaha looga wareejiyay magaalada Beled Xaawo waxaana wararka qaar ay sheegayaan in maxaabiista la kala haybsoocay kuwa gobolka Gedo ka soo jeedo Meel laysugu geeyay Halka kuwa  kalena xaaladooda aan la ogeyn waxa ay ku sugan yihiin

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday dhawaan dagaalii ka dhacay Balad Xaawo in Hub iyo Maxaabiis ay kula wareegtay

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com