Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Xooganaa Ee Maanta Ka Dhacay Ceel-Gaabta

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee barqadii Maanta ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamar-jajab ee Gobolkaan Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Muqdisho.

Qof isku xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ayaa isku dhex qarxiyey dad isugu jiray shacab iyo Askar oo ku sugnaa Ceel-gaabta, isla markaana waxa uu qaraxu dhacay, xili uu wadada marayey gaari Bas ah oo waday ergada doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa ka dhacay Muqdisho, waxaana ku dhintay 6 qof oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah, halka 13 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha gaadiidka gurmadka Deg-dega ee Aamin Ambulance

Dhaawacyada ayaa waxaa la geeyay isbitaalo ku yaalla Caasimadda, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo, waxaana sidoo kale burbur uu gaaray dhismooyin ku yaalla goobta uu qaraxu ka dhacay oo aheyd Bartanka Isgoyska Ceel-gaab ee Muqdisho.

Afhayeenka Booliska oo hadlay qaraxa ayaa waxaa uu xaqiijiyay oo kaliya in qaraxa uu fuliyay qof isku xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana uu beegsaday dad shacab ah oo Isgoyska ku sugnaa, uuna jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac…

Qaraxa ayaa dhacay, xili wadada Isgoyska Ceel-gaabta ay xiran tahay, isla markaana loo xiray Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, taasi oo ka socota Dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com