Markab Saacado xayirnaa oo maanta ku soo xiranaya Dekada Boosaaso

Dekedda Magaalada Boosaaso ayaa lagu wadaa in uu dib ugu soo xirto Markab Xamuul ah oo Shalay ku soo caariyay Dekada Magaalada Boosaaso halkaasna Ciidna ay ku qabsatay

Markabka oo Shamiito wada ayaa shalay saacado badan ku xayirnaa Albaabka  laga soo galo dekedda kadib markii halkaasi ciid ku qabsatay waxaase markii dambe lagu guulaystay in laga saaro ciidda.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa dekedda Boosaaso laga soo sheegayay ciid ay ka buuxsan Halka Maraakiibta iyo doonyaha ay ku soo xirtaan balse mana jirto ilaa hadda cid arintaasi isku xilsaartay  in ay wax ka qabato

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com