Ra’iisal Wasaarihii hore Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo geeriyooday

Ra’iisal wasarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga, sida uu xaqiijiyay safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Jaamac Cabdilahi Maxamed.

Marxuumk oo ahaa 75 sano jir ayaa u dhintay xannuunka kansarka oo in muddo ahba la xannusanaa. Safiirka waxa uu sheegay in Xasan Abshir uu labadii isbuuc ee la soo dhaafay ku jiray qeybta bukaannada halista ah la dhigo ee ICU-da.

Xasan Abshir Faarax ayaa xilal ka soo qabtay Dawladii Siyaad Barre isaga oo sidookale siyaasada Soomaaliya ku soo jirya muddooyinka dambe xildhibaana ka soo noqday Dawladi dalka soo maray