Xukuumadda Soomaaliya oo soo bandhigaysa magacyada shirkadaha ku guuleystay baarista Shidaalka Soomaaliya

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo shirkaddaha ku guuleystey Ruqsad siinta qandaraasyada shidaalka iyo gaaska markii ugu horaysay horaanta sanadka soo socda.

Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya (SPA), Ibrahim Ali Hussein, oo wareysigii ugu horeeyay siiyay wakaalada wararka Reuters, ayaa u sheegay, in sanadka soo socda ay soo gabagabeynayaan bixinta qandaraasyada shidaalka.

Ibrahim Ali Hussein oo horey u ahaa la taliyaha wasiirka tamarta Soomaaliya, ayaa sheegay inay dowladdu yareeysay bixinta ruqsada 15 baloog oo ay horey u shaacisay, iyadoo hadda kusoo koobtay ilaa 7 baloog sababo la xiriira caqabadaha dhinaca awooda.

Maareeyuhu wuxuu tilmaamay in cudurka coronavirus uu dib u dhigay wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda iyo shirkaddaha Shell iyo Exxon Mobil, si loogu beddelo heshiiskii ay horay u wada galeen heshiis wax soo saareed.

Xuseen, oo lataliye u ahaa Wasaaradda Batroolka, ayaa tibaaxay in Covid-19 uu hakad geliyey wada-xaajoodyo ay kula jireen shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil kuwaas oo ay dalka u taalo xuquuq ay horey u gateen.

Xuquuqdaas oo ah in ay iibsadeen xirmooyin shidaal kahor inta aysan dhicin dowladdii kacaanka ee uu hogaaminayey madaxweyne Siyaad Barre ayaa ah shan xirmooyin shidaal oo ah nooca laga helay dhanka badda.

Shirkadaha shidaalka ka baaraya Soomaaliya ee kala Shell iyo Exxon ayaa la sheegay  in ay ku leeyihiin xuquuq gaar ah sahaminta batroolka Soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com