Muwaadhin Soomaali ah oo lagu dilay Wadanka Koofur Afrika

kooxo hubaysan oo burcad u dhashay koonfur Afrika ayaa la sheegay in magaalada Darban ee Koonfur Afrika ku dileen muwaaddinkaas Soomaaliga ah oo goob ganacsi ku lahaa Darban.

Burcadkii dilka u gaystay marxuumka ayaa goobta ka baxsaday kadib markii ay bililiqo u gaysteen xaruntiisi ganacsi sida laga soo xigtay xubnaha Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas Koofur Afrika.

Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Faarax ayaa kamid ahaa Soomaalida ka carartay Colaadihii dalka ka dhacayay islamarkaana ganacsiga ka sameeyay waddanka Koonfur Afrika.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com