Dhageyso:Dawlada Federaalka oo ku dhawaaqday waqtiga la Furayo Dhammaan Duulimaadyada dibada

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xilliga rasmiga ah ay dib u furayso duullimaadyada dibada.

Golaha Wasiirradaxukuumada Soomaaliya  ayaa shalay kulan ay yeesheen Magaalada Muqdisho waxay ku ogolaadeen in dib loo furo dhammaan Duulimaadyadii la hakiyay sababo la xariira faafista  Cudurk Covid19

Golaha Wasiirada ayaa shaaciyay in duullimaadyada heerka Caalami ee dalka dib loo billaabayo Agoosto 3 bisha  2020, sidoo kalana waxaa goluhu ogolaaday Iskuulaadka iyo Jaamacadaha dalka in dib loo furo Agoosto 15, 2020.

Dib u furista dhammaan adeegyada ayaa golohaha Wasiirada ee Xkuumaddii kheyre  ku macneeysay  saameynta xanuunka COVID-19 oo hoos u dhacay, waxaana ay  shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen  inay ka taxadaraan Halista Cudurka  COVID-19.

Kulankaasi ka dib ayaa Waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo ka war bixiyay div u Furista Dhammaan duulimaadyada Dalka