Madaxweynaha Puntland oo la Ciiday shacabka Magaalada Gaakacyo+Sawiro

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan maamulka ayaa maanta salaadda Ciidda Carrafo  Dadweynaha kula tukaday Masaajidka Xaaji Cali Biixi ee Gaalkacyo.

Madaxweyne  ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan dadweynaha degaanada Puntland, ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciida, wuxuuna bulshada ugu baaqay ka shaqeynta illaalinta Nabadda, midnimada iyo horumarka.

Madaxweyne Deni iyo xubno ka tirsan wasiirada ugu muhiimsan Maamulkiisa , ayaa maalmahan ku sugan Magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay kulamo kula qaadanayeen qaybaha Bulshada ee Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland iyo Wasiiradiisa ayaa Gaalkacyo kaga qayb-galaya Munaasabadda ugu weyn Xuska Kowda Agoosto Sannadkan lagu qaban doono Magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com