Wasiirka Awqaafta Soomaaliland oo Mamnuucay Bandhig faneedyada la qabto Maalmaha Ciida

Soomaaliland ayaa mamnuucday in dhammaan degaannada Soomaliland bandhig-faneed lagu qabto maalmaha Ciidda Carrafo.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jiri doonin wax bandhig faneed ah oo maalmaha Ciidda lagu qabanayo  degaannada Soomaaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta loo joojiyay bandhig faneedyada ay tahay maadaama ay ka baxsan yihiin Dhaqanka iyo Diinta Suubban islamarkaana ay wataan fasahaad iyo dhaqan-xumo  aan ku  bannaanayn Diinta Islaamka

Sheekh Khaliil ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Booliiska Soomaaliland ay ku amreen  in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo u hoggaansami wayda amarka Xukuumadda ee ku aaddan mamnuucista bandhig-faneedyada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com