IGAD iyo Midowga Afrika oo ka shiray xaalada Soomaaliya

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Francisco Madeira ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay xoghayaha fulinta Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD), Dr. Workneh Gebeyehu, iyo ergayga gaarka ah ee IGAD dhanka Badda Cas, gacanka Cadan iyo Soomaaliya, Dr. Maxamed Cali Guyo.

ulanka ayaa labada mas’uul  waxaa ay kaga wada hadleen horumarka ilaa iyo hadda ay ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM ka gaareen soo celinta nabadda iyo Ammaanka Soomaaliya.

Danjire Madeira wuxuu ammaanay sida ay IGAD uga go’antahay dhawrista nabadda gobolka wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo ujeeddada Midowga Afrika ee nabadda iyo amniga guud ahaan Afrika.

Xoghayaha Fulinta ee Urur-goboleedka IGAD Dr. Workneh iyo ergeyga gaarka ah ee IGAD ee dhanka Badda Cas, gacanka Cadan iyo Soomaaliya, Dr. Maxamed Cali Guyo ayaa ku wada sugan Soomaaliya si ay uga qaybgalaan wada-tashiga qaran ee ku aadan kor u qaadidda hanaanka nabadaynta gobolka ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo sidoo kale arrimaha kale ee gobolka.