Al-Shabaab oo markii ugu horeeysay ka hadashay Xilka qaadistii Ra’iisal Wasaare Kheyre

Xarakada Al-shabaab, ayaa markii u horraysay  ka hadashay , Xilka qaadistii Golaha shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay ku sameeyeen   Ra’iisal wasaare Xassan Cali Khayre iyo xaaladda Siyaasadeed ee ka jirta Magaalada Soomaaliya

Af-hayeenka guud ee Xarakada Al-shabaab sheekh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere, oo xalay jeediyay hadal ku aaddan Munaasabadda Ciidda carafo , ayaa sheegay in Ridistii Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Khayre ay muujisay wejiga dhabta ah ee hogaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sheikh Cali Dheere, wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Khayre ay ku celcelin jireen, in ay yihiin madax daacad ah oo dalkooda u adeegaya, islamarkaana hormarkiisa ka shaqaynaya, balse kala-tagooda uu muujiyay in mid kasta uu watay dantiisa shakhsiyeed, sidaasna ay ku kala boodeen.

Sidoo kale, Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayuu ku tusaaleeyay in ay lamid tahay buul-caaro, oo si fudud ku dumaya, isagoo xusay in ay hadda cagta saartay wadadii burburka, kadib Ridistii Ra’iisal Wasaare Khayre.

Sido kale sheekhCali Dheere wuxuu ka hadlay duqeyn diyaaradaha Maraykanku ay laba maalmood ka hor ka fuliyeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe, waxaana uu sheegay in duqeyntaas lagu dilay saddex carruur ah oo keliya, balse aysan jirin xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku dhintay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com